Home arrow Siyaasadda | Africa arrow Shirweynaha Ururka IGAD oo Maanta ka Furmaya Addis Ababa
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 14 2008
Shirweynaha Ururka IGAD oo Maanta ka Furmaya Addis Ababa
Written by Ali Moallim   
Saturday, 14 June 2008

Addis Ababa,(insidesomalia.org)- Madaxweynayaasha Dalalka ku mideysan Urur Gobaleedka IGAD ayaa maanta iskugu tagaya hool weyn oo kuyaala Magaalada Addis Ababa ,ayagoo halkaasi ku yeelanaya Shir ay kaga hadlayaan xaaladaha ay ku sugan yihiin Wadamada ku bahoobey IGAD.

Madaxweynayaasha Soomaaliya ,Kenya ,Suudaan ,Jabuuti iyo Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa xaadir ku ah Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, ayagoo doonaya in ay qeybqaataan Shirweynaha Madaxweynayaasha Urur Gobaleedka IGAD oo maanta furmaya.

Dhamaantoodba Masuuliyiin sarre ee ka qeybgalaya Shirka waxaa lafilayaa in ay halkaasi ka soo jeedin doonaan Warbixino ku aadan xaaladaha Dalalkooda iyo waxyaabaha loo baahan yahay in wax laga qabto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu halkaasi ka soo jeediyo warbixin ku aadan xaalada Soomaaliya iyo waxyaabaha ay Dawladdiisu ka dooneyso Dawladaha ku jira IGAD in ay gacan ka siiyaan.

Madaxweyne Yuusuf ayaa lafilayaa sidoo kale in uu ka codsado Dawladahaasi in ay yeeshaan iskaashi wanaagsan iyo wada shaqeyn si looga baxo dhibaatada ka taagan Bariga Africa.

Saraakiil ka socota Dawladda Jabuuti oo maanta Shirka jooga ayaa lafilayaa in ay halkaasi ka cadeeyaan mawqifkooda ku aadan Xaaladaha Soomaaliya iyo dagaalada ay Elereya kusoo qaaday Dalka Jabuuti.

IGAD waxaa ku mideysnaa Wadamo gaaraya 7 Wadan ,balse hada waxaa ku haray oo kaliya 5 Dawladood, ayadoo ay ka baxday shirkaasi Xukuumada Asmara ,markii ay arimaha Soomaaliya ururku Mowqif wanaagsan ka istaagey.

Shirkan ayaa lafilayaa in uu dhamaadkiisa ka soo baxaan go'aamo waa weyn ,kuwasoo ay Khuburo badan aaminsan yihiin in lugu soo qaadayo dagaalada lugu soo qaaday Jabuuti & Arimo kale oo ay arinta Soomaaliya ku jirto.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >